WARARKA BARAAWEPOST Sabti 30 July 2011 Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo mushaar la siiyey Waxa maalinimadii khamiista ahayd ka bilaabatay xarunta Taliska ciidanka Booliska soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho bixinta mushaharaadkii ay xaqa u yeesheen ciidamada Booliska Soomaaliyeed kuwaasoo muddo billooyin ah aan qaadanan wax mushaharaad ah. shirkii ugu dambeeyay ee ICG ku yeesheen magaalada Kampala kaasoo ay dowladda FKMG somalia uga qayb galeen wafdi uu hoggaaminayay wasiirkii holre ee wasaaradda gaashaandhigga mudane C/Xakiim Fiqi ayaa taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed S/guuto Shariif Sheekhuna Maye wuxuu ka aqriyay qudbad uu kaga hadlayay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka boolisku maaddaama muddo dheer aysan qaadan wax mushahar, kana codsaday qaramada midoobey in si degdeg ah ay wax uga qabato arrintaas. Gabagabadii kulankaas ayaa lagu goaamiyay in si degdeg ah loo dhameeyo caqabadaha hortaagan bixinta mushahraadka isla markaana la siiyo ciidanka wixii xuquuq ah oo ay yeesheen.
Ciidamada ayaa la arkayay iyagooo safaf dheer ugu jira goobihii ay ka socotay mushar bixinti iyadoo bixinta lacagtuna ay si habsami ah u socotay waxaana goobihii ay ka socotay lacag bixintu ku sugnaa guddiyo ay UNDP du u xusheen inay kormeer ku sameeyaan goobaha lacag bixinta iyo saraakiil ka socota AMISOM, sidoo kale taliyaha ciidanka bolisska ayaa isaguna laf ahaantiisa ku sugnaa goob ka mid ah goobihii ay lacag bixintu ka socotay. Mushaar bixinta ayaa socotay illaa iyo shalay oo jimce ah waxaan la soo gabagabaynayaa maanta oo sabti ah.
Dagaalada Muqdisho oo weli socda o maalintii saddexaad . Waxaa weli qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka socda dagaaladii dhex marayay ciidamada DFKMG,kuwa ururka Ahlusunna iyo AMISOM oo dhinac ka soo jeeda iyo maleeshiyooyinka Shabaab. Dagaaladan oo dorraad ku bilowday weerar saf ballaran ah oo ay ciidamada DFKMG hal mar si kedis ah ugu qaadeen fariisimo ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho maleeshiyooyinka Shabaab. Weerarkan ayaa madaxweynaha DFKMG wuxuu ku micneeyay inay qayb ka yihiin howlgalada ay ciidamada dowladdu dib ugu hananyaan awoodda dalka si ay uga sifeeyaan dhamaan gobolada dalka maleeshiyooyinka Shabaab si nabadgelyada iyo kala dambeyntii dowladnimo dib loogu soo celiyo. Dagaaladii saaka ayaa waxay ka qarxeen degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigley iyo qeybo ka tirsan degmada Kaaaraan dagaaladaasoo ahaa dagaalo fool ka fool ah oo aan waxba laysku reeban labada dhinacna ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |