WARARKA BARAAWEPOST Axad 8 may 2011 Hambalyo uu Ambasador Maxamed Sheekh Xasan u dirayo General Shariif Sheekhuna
Dhambaal Hambalyo ah oo ay soo direen nabadoon Aweis Abu Haadi iyo Nabadoon Osman Mohamed iyo xaasaskooda. Nabadoon Aweis Abuu Haadi iyo xaaskiisa Safiyo Jeelle Cawaale, Nabadoon Cusmaan Maxamed iyo xaaskiisa Khadiija Axmaduna Munye waxay halkan hambalyo tahniyadeed uga dirayaan Jeneraal Sharif Shekhuna Maye iyo Jenaral Cabdulqadir Shekh Cali Diini magacaabidii loo kala magacaabay taliyayaasha ciidanka boliiska iyo kan ciidamada qalabka sida soomaaliyeed waxayna eebe uga baryayaan taliyayaashaas in uu ku garabsiiyo gudashada howsha loo magacaabey waxayana sidoo kale u rajenayaan allaha weyn idinkiis in ay ku guuleystaan howlahaas culus ee loo igmaday. Sidoo kale waxaa halkan hambalyo taas la mid ah u diraya Taliyaha Ciidanaka Booliska Soomaaliyeed iyo kan xoogga dalka Soomaaliyeed Abdullahi Abu Hadi iyo Abdihamid Abu Haadi iyo xaasaskoodaba.
Xildhibaan Mahamed Cali Cumar Shegow oo u hambalyeeyay Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Genaral Shariif Sheekhuna Maye Xildhibaan Mahamed Cali Cumar Shegow ayaa uga hambalyeeyay General Sharif Shekhuna Maye magacaabistii loo magacabay jagada taliyaha cidamada boliska Somaliyed . Xildhibaanka ayaa wuxuu taliyaha u rajeeyay inuu, Ilaahay ku garab galo xilkan culus ee loo magacaabay, kana dhigo kii soomaalida u soo celin lahaa sharaftooda iyo karaamadooda kana samata bixin lahaa dhibaatada dabada dheeraatay. Xildhibaanka ayaa ugu dambayn General Sharif Shekhuna Maye u rajeyay inu Ilaahay uu fududeeyo waajibaadka culus oo dusha laga saaray, ugana soo baxo si hufan oo xalaal, sinnaan , daacad iyo caddaaladba ay ku dheehan tahay.
Ururka Southern Somali Community Council oo hambalyo u diraya General Sharif Shekhuna oo loo magacabay jgada taliyaha cidamada boliska wuxuna Alaha uga baryayaa in shaqadisa u fududeeyo wadankenana ku soo celiyo nabad waarta.
Hambalyo & Boogaadin Sareeye Guuto Dr.Shariif Sheekhunaa Maye.
Dhamaan Jaaliyada Somaliyeed ee daggan waddanka Sweden gaar ahaan jaalliyadda Göteborg waxay hambalyo iyo taageero u dirayaan S/guuto Dr Shariif Sheekhuna Maye oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliyeed S/Guuto
Hambalyo Ku socota Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Shariif Sheekhuna Waxaa si is daba jooog ah noo soo gaaraya dhambaalo hambalyo ah oo ay qaar kamid ah qurba joogta noo soo direen kuwaasoo ku jiheysan taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidanka booliska soomaaliyeed Jeneral Shariif Sheekhuna, waxayna dadkii dhambaalada noo soo diray ay ugu hambalyeynayaan Dr Shariif xilkaas cusub ee loo magacaabay iyagoona uga baryay in illaahay subxaanahu watacaala uu ku garabgalo gudashada xilkaas iyo waajibaadkaas culus ee loo magacaabay. Dhambaaladii ugu dambeeyay ayaa waxay naga soo gaareen, jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg,iyo weliba jamacada Ahlusunna waljamaaca ee ku nool waddamada Sacandinavianka oo dhan.
Sidoo kale waxaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda taliyaha na soo gaarsiiyay shaqsiyaadka magacoodu hoos ku qoran kuwaasoo kala ah: 1-Sheekh Cabduramaan Sheekh Muxuddiin 2- Abba Xuseen Maalin 3-Axmed Warshiikh 4- Eng Cabdicasiis Guuleed Nugaal 5-Colonell Maxamed Cali Jaamac 6-Nabadoon Bashhir Qoobleex 7-Nabadoon Cabduraxmaan Abuukar Cumar Sheegow 8- Mudane Maxamed Ibrahim Gaduudow 9- Mr Tomas Magnusson 10- Mudane Cabdinaasir Aadan Galool.
Ex.Xeer Ilaaliye Maxamud Axmed Xasan ( Dalab),oo degan dalka Ingiriiska waxaan, webka Baraawe Post hambalyo iyo bogaadin u marinayaa mudane Dr.S/Guuto Shariif Sheekhuna Maaye, oo 29.3.2011 loo magaacay jegada Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,anigoo huba inuu xilkaas ka soo bixi doono, waxaan allaha S/watacaala ugu baryaayey inuu caafimaad uu xilkiisa ku gudto siiyo, kana badbaadiyo masiibooyinka ka jira dalka, waxaana kula talinayaa inuu ku dadaalo cadaalad falid.
Sidoo kale Director General: Mohamed Khalif Babou iyo Xaaskiisa Leyla Jeylaani Sheekh, Waxay iyana Dhambaal hambalyo ah oo ku aadan, magacaabista loo Magacaabey Taliya Ciidanka Booliska Somaaliyeed u dirayaan Sareeye Guuto Dr. Shariif Shekhuna Maye. Waxaan kalsooni buuxdo ku khabnaa in uu Sareeye Guuto Shariif uu xilkan culus ee loo magacaabey uu si habsami ah ugu soo dhalaali doono uuna noqon doono taliye baal dahab ah ka gali doono taariikhda ciidamada Booliska Somaaliyeed. Waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu u fududeeyo hawshan culus.
Sidoo kale waxaa dhambaalo hambalyo ah oo kuwaa la mid ah ay naga soo gaareen qaar ka mid ah jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dahqan qaar ka mid ah gobolada Mareykanka, waxaana kuwii ugu dambeeyay ay naga sa gaareen dadka hoos ku qoran: 1-Suldaan Xeydar suufi Munye 2-ugaas C/qaadir Mohamed Amiin Lolow 3-Ugaas Jacfar Cusmaan Mataan 4-Nabadoon Maxamuud cusmaan C/duraxmaan 5-Nabadoon Sayid Nuur C/qaadir 6-Nabadoon aweys abuu Haadi 7-Nabadoon Aweys nuureini Sayid 8-nabadoon Mohamed Cabdi Jarmal 9-Nabadoon Kaale Xaaji Rufaaci 10-Nabadoon Sheekh Maxamuud Abuu Maxamed 11-Prf.C/qaadir Maxamed Nuur 12-Nabadoon Amiin Abuu Haadi 13-Dr.C/qaadir Xaaji Cusmaan 14-Nabadoon Shariif Shaaniyaalo 15-Nabadoon abuu Moxamed Bakaro 16-Nabadoon ibraahim Jeylaani Mohamed 17-Nabadoon Mohamed Saaleh M.Ramli 18-Inj.Mohamed cumar faqi 19-Nabadoon aadan C/lla Xasan 20-Nabadoom Sheekhuna Xasan Diinki 21-Nabadoon ooyaaye Mohamed Abuu 22-Nabadoon Janaale Xaaji Cusmaan 23-Nabadoon Aweys Suufi Baana 24-Nabadoon Bakar C/lla Guwo 25-Nabadoon Shariif Mohamed Abuu 26-Nabadoon Axmed Mohamed Saaleh 26-Dr.C/qaadir Cusmaan Mataan 27-Dr.Munye Mohamed C/lle 28-Nabadoon Sayid Qaali Sheekhuna 29-Mudane Aweys Shombe 30-Mudane Mohamed Mustaf (Bayloot) 31-Nabadoon Jeylaani Xaaji Sheekhuna 32-Nabadoon Xasan jaabir Sheekhuna 33-Mudane Sayid munye Shamcuun 34-Nuureini Suldaan Xeydar Suufi 35-Mudane Aweys Calawi Abuu 36-Mudane Shariif Mohamed Xaaji 37-Inj.Badawi Abuu Munye 38-Mudane Eeno Ibraahim Kuusow 39-Inj.Ibraahim Cali Cumar Sheego 40-Mudane Aweys Maxad Hagaajiyo 41-Mudane Axmed Mohamed 42-Mudane Sayid Abuu Moxamed 43-Mudane Cali Axmed Saalim 44-Mudane Sayid Jaabir Sheekhuna 45-Mudane Cusmaan Amiin Munye 46-Mudane Saalim Axmed Saalim 47-Mudane Sheekh Calawi Abuu 48-Mudane Cumar Taaha Tayib 49-Mohamed Cali Oofu 50-Mudane Sheekh Faqi Taahir 51-Mudane Baazi Haamid Amiin 52-Mudane Xaaji Munye Shamcuun 53-Mudane C/qaadir Munye Sayid 54-Cumar Cabdi Gaab 55-Dr.Munye Suldaan Xeydar Suufi
Sidoo kale Baazi sheekh Cabdi iyo xaaskiisa iyo caruurtisa waxay uga habalyaynayaan taliyaha cusub ee booliiska gen.shariif sheekhuna waxaana ilaah uga baryeeyna in ilaah garabkiisa galo isidoo kalena shacbi weynaha soomaaliyeed ee uu dartooda u oggolaadey inuu wadankiisa wax u qabtona ay ku garbgalaan gudashada waajibkiisa
Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |