WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 30 november 2011 Muqdisho oo ay saaka ka dhaceen laba qarrax Magaalada Muqdisho oo ay beryahan ka dhacayeen qarraxyo is daba joog ah ayaa waxaa saaka mar kale ka dhacay laba qarrax, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa qarrax is miidaamin ah halka kan kalena uu ahaa qarrax ka dhashay bam lagu aasay meel ay howl ka socotay. Qarraxa is miidaaminta ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa isla markaana ku labisnaa dharka ciidamada ayaa waxa uu ku dhacay xarunta Villa Baydhabo ee degmada Wadajir halkaasoo ah xarunta laga maamulo ciidamada XDS waxaana sida wararku sheegayaan qarraxaas lagu bartilmaamedsaday abaanduulaha Ciidanka Xooggaa dalaka Soomaaliyeed Jeneral Dhagao Badan kaasoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halkii uu qarraxu ka dhacay. Ninka ismiidaamiyey oo isagu ku nafwaayay qarraxaas ayaa waxaa sida wararku sheegayaan wuaxaa u suurtagashay inuu soo dhaafo albaabka hore ee Villa Somalia gudahana u soo galo xarunta maadaama uu gashanaa dharka ciidamada hase yeeshee markii uu soo abbaaray halkii uu ku sugna Jeneral Dhago Badan ayaa waxaa ninkaas istaajiyay mid ka mid ah illaalada abaanduulaha tasoo keentay in isla markiiba uu isna is qarxiyo. Qarraxaas ayaa sida wararku sheegayaan waxaa ku nafwaayay qaar ka mid ah ilaaladiiDhago Badan halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale degmada Dharkanley ayaa iyaba waxaa ka dhacay qarrax loo adeegsaday miino la dhigay goob ay haween iskaa wax u qabso ay ka wadeen olole nadaafadeed, waxaana qarraxaas ku geeriyootey sida laga soo xigtay guddoomiyaha degmada Dharkanley Macallin Cabdulle Cali in ku dhow toban haween oo halkaas nadaafadda ka waday. Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |