WARARKA BARAAWEPOST Axad 30 oktober 2011 

 

 

Raiisal wasaaraha xukuumadda FKMg iyo wafdigiisa oo gaaray Nairobi

Raiisal wasaaraha xukuumadda FKMG ee Somalia iyo wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayay ayaa maanta barqadii caasimadda Kenya ee Nairobi. 

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisan ayaa waxa ay casuumaad rasmi ah ka heleen dowladda Kenya gaar ahaana Ra’iisul Wasaare Raila Odinga iyagoo ka wada hadli doona arrimaha siyaasada iyo horumarinta ammaanka xuduudaha labada wadan oo  beryihii ugu dambeeyey ay ka soconayeen howlgalo ka dhan ah kooxda Al shabaab.

  

Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho inta uusan ka ambabixin halkaa ayaa faah faahiyay ujeeddada safarkiisa wuxuuna  tilmaamay in muhiimada socdaalkiisu ay tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya isagoo xusay in labadan waddan ay iskaashi wanaagsan ka yeelan doonaan sugida amniga iyo deris wanaaga.

Maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 31-10-2011 ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulan la qaato dhigiisa dalka Kenya Mr. Raila Odinga iyo Wasiiro ka tirsan golihiisa.

 

Wafdiga Raiisal wasaaraha waxaa ka mid ah Raiisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka Cabdisamad Macalin Maxamuud, R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas, Taliyayaasha ciidamada Booliska iyo XDS Gen Shariif Sheekhuna Maye iyo Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo masuuliyiin kale.

 

Wafidiga ka socda xukuumadda Somalia ayaa markii diyaaraddii siday ay caga dhigatay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport waxaa halkaas ku soo dhoweeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu halkaas horey ugu sugnaa. 

   

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com