WARARKA BARAAWEPOST Sabti 3 september 2011 

 

 

Kulan ay Columbus Ohio ku yeesheen odayaasha dhaqanka ee beelaha Baraawe

 

Waxaa maalintii talaadada ahayd ee taariikhdu ahayd 30 august 2011kuna beegneyd 1da bisha Shawaal oo ahyd maalintii koowaad ee ciidul fitriga kulan ku yeeshay magaalada columbus Ohio odayaasha dhaqanka ee beelaha Baraawe ”Shangamaas iyo Laba tol" kuwooda ku sugan magaaladaas.

 

Kulankaas ayaa wuxuu ka dhacay guriga uu deggan yahay suldaanka guud ee beelaha Baraawe Suldaan Xaydar Suufi Munye waxaana kulankaas oo isugu jiray salaan ay odayaasha dhaqanku ugu tageen suldaanka si ay ugu hambalyeeyaan munaasabadda ciidul fitriga iyo in layska waraysto xaaladda abaareed ee dalka ka jirta iyo sidii loogu gurman lahaa dadka soomaaliyeed ee ay abaartu waxyeeleysay.

 

 

Gabagabadii kulanka ayaa waxay odayaasha dhaqanka ee beelaha Baraawe ay halkaas hambalyo ku aaddan munaasabadda ciidul fitri u direen dhamaan bulshada islaamka ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan bulshoweynta soomaaliyeed waxayna u rajeeyeen inuu eebe ka dulqaado dhibaatada haysa shacabka soomaaliyeed sannadkan sannadkiisana uu eebbe ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

 

Odayaasha dhaqanka ee beelaha Baraawe oo uu hormuud u yahay suldaanka beesha ee Suldaan xaydar ayaa waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabka soomaaliyeed kuwooda qurbaha ku nool ee nasiibka u yeeshay inay ka badbaadaan dhibaatooyinka iyo abaaraha ka jira dalka soomaaliye iyo weliba dalalka caalamka ah ee deeqaha bixiya inay sii kordhiyaan gurmadka iyo gargaarka ay u fidinayaan dadka dhibaateysan .

 

 Odayaashii ka qayb galay kulankaas ayaa waxay kala ahaayeen:

 

1-Ugaas C/qaadir Amiin Loolow

2- Nabadoon Sheekh Sheekh Mohamed Abuu “ Sheekhi Maana Yasiin”

3- Nabadoon Calawi Ji

4- Nabadoon Kaale Xaaji Rufaaci

5-Nabadoon Axmed Mohamed Saaleh

6- Nabadoon Abu Mohamed Bakaro 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com