WARARKA BARAAWEPOST Isniin 3 september 2012 

 

 

Madaxweyne Shariif oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ayadoo kumanaan dadweyne ah ay maanta isu soo bax ay ku taageerayaan madaxweynaha ay ka dhigeen magaalada Muqdisho.

  

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo uu uga soo qeyb galay aaska R/wasaarihii hore ee dalkaasi Meles Sanaawi Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Taliyeyaasha ciidamada XDS iyo Booliska iyo in ka badan boqol xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.

      

Dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo ardayda dugsiyada ayaa isugu soo baxay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada, ayagoo sita calanka dalka, hal ku dhigyo ay ku taageerayaan in madaxweynuhu uu mar labaad dalka hoggaamiyo iyo sawirrada madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

  

Madaxweynaha oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada ayaa sheegay in uu la kulmay R/wasaaraha Dalka Ethiopia Xeyle Maryam oo ay isku raaceen in xiriirka labada dowladood uu sii socdo, ayadoo la adkeynayo iskaashiga lagu nabadeeyo geeska Afrika.

  

“Mdaxweynaha ayaa sheegay inay ka wada hadleen R/wasaaraha KMG ah markii horena ahaa R/wasaare ku xigeenka Ethiopia, marxaladda kala guurka ah ee ay galayaan iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya halka ay mareyso, waxaana isla garanay in siyaasaddii hore ee lagu socday la sii xoojiyo” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Sidoo kale madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in si guul ah ay ku dhammaato doorashada madaxweynaha dalka, si waddanku uu u helo dowlad rasmi ah oo ka saarta dhibaatada muddada dheer ka jirtay, soona celisa sumcaddii daalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com