WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 4 april 2012 

 

 

 Qarrax argagaxiso ah oo ka dhacay Muqdisho

Qarrax aad u xoogan ayaa maanta abbaarihii 11:45 waqtiga Muqdisho waxa uu ka dhacay gudaha xarunta  golaha murtida iyo madadaalada ”National Teater” ee magaalada Muqdisho xilli ay halkaas ka socotay xaflad weyn oo lagu maamuusayey sannad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay aasaaskii telefisihinka qaranka, waxaana munaasabaddaas goob joog ka ahaa madax ka tirsan dowladda FKMG Somalia oo uu hirkacayay raiisul wasaare Cabdiweli Gaas, wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Gaashaandhigga,warfaafinta,wasiirka qorsheynta iyo wasiirka ganacsiga.

         

Qarraxan ayaa  waxaa la sheegayaa inay ka dambeysay qof haweeney ah  ka mid ahayd dadkii munaasabadaas ka qeyb galayey oo waxyaabaha qarxa isku soo xirtay.

Dadkii ku geeriyoodey qarraxaas ayaa waxaa ka mid guddoomiyihii xiriirka soomaaliyeed ee kubbadda cagta Saciid Maxamed Nuur ”Saciid Mugaambe” iyo guddoomiyaha guddiga olombikada Soomaaliyeed Adan Xaaji Yabaroow ”Wiish”

Ilaa hadda ma cadda in masuuliyiin kale oo ka tirsan  DKMG Somalia ay ku geeriyoodeen qarraxaas hase ahaatee waxaa la sheegayaan in wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Cabdullahi Goodax uu dhaawac fudud soo gaareen sidoo kalena mudanaayaal ay ka mid yihiin prof Dalxa,Mowliid Macaani,Yaasiin Bucul iyo ay ku dhaawacmeen qarraxaas.

     

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda FKMG ayaa sheegay in qarraxu uu dhacay markii uu ka qudbeynayay Xaflad ka dhaceysay tiyaatarka oo uu kaga qeyb galayay sanadguuradii 28aad iyo sanad-guuradii 1aad ee aas aaska Telefishinka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in qofka is qarxiyay ay aheyd haweeney, iyadana ay isla goobta ku geeriyootay, sidoo kalena ilaa afar ruux ay ku dhinteen dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhaawacyo yar oo soo gaaray Wasiirka Qorsheynta C/llaahi Goodax Barre, isla markaana aysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac weyn oo wasiiradiisa soo gaaray.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com