WARARKA BARAAWEPOST rbaca 4 janury 2012 

 

Gudiga amniga qaranka oo shirkiisii maanta warmurtiyeed ku saabsan dhacdooyinkii baarlamaanka ka soo saaray

 

Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Guddiga Amniga Qaranka ee DFKMG ee Somalia ayaa arrimihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladda amni ee uu dalku ku suganyahay iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha golaha Baarlamaanka.

Kulanka uu guddigu yeeshay oo ah mid joogto ah oo uu guddigu yeesho usbuuciiba hal mar ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed waxaana xubnihii ka soo qaybgalay ay kala ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna  Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee DFKMG iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddiga amniga qaranka ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadii iyo khasaarahii ka dhacay manta gudaha xarunta Baarlamaanka, waxayna ummadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyeen falalkaas masuuliyad daradda ah. 

Guddiga iyagoo tixgelinaya marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, ayaa waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan xaaladda taagan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxayna go’aansadeen qodobadda hoos ku xusan:

 

1)      In kulankii manta iyo kuwii ka horeeyay ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxayba ay ahaayeen kuwa aan ku fadhiyin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.

2)      In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal dambiyeedyadii ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawaca iyo burburka hantiyeed.

3)      Si looga hortago qalalaase hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub. 

Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaan dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhig u ah shuruucda dalka.

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com