WARARKA BARAAWEPOST axad 4 november 2012
War degdeg ah:Ra’isulwasaaraha oo Ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada Raiisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa goor dhow ku dhawaaqay xubnaha cusub e eka mid noqonaya golihiisa Wasiirrada ayadoo Munaasabadda ku dhawaaqidda Wasiirrada lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,Wasiirrada cusub ee la magacaabay qaarkood iyo marti sharaf kale. Wasiirrada uu magacaabay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka kooban toban Wasiir kuwaasoo qaarkood horey xilal Wasiirro ay ugasoo qabteen Xukuumadihii KMGka ahaa ee dalka soo maray waxayana magacyadooda kala yihiin sidan:- 1-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda 2-C/laahi Abyan Nuur Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Cadaalladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta 3-C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga 4-C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka 5-Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta 6-C/laahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta 7-C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka 8-Muxidiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska 9-Maryan Qaasim Maxamed Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada 10-Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa labaduba hadalo guubaabo ah u jeediyey wasiirrada la magacaabay waxayna Alle uga baryeen inuu howshooda la garab galo.
|