WARARKA BARAAWEPOST khamiis 5 april 2012 

 

 

Madaxweynaha DFKMG ah oo soo kormeeray maanta goobtii uu qarraxu ka dhacay iyo xukuumadda oo u magaxawday guddi heer wasiir ah

Madaxweynaha DFKMG ah ee  Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta golaha murtida iyo maddadaaladda ee magaalada muqdisho halkaasoo shalay uu ka dhacay weerar argagaxiso ah kaasoo ay sheegteen inay ka dambeeyeen ururka Alshabaab, wuxuuna madaxweynuhu wacad ku maray in maxkamada lasoo taagi doono cid walba oo ay ku caddaato inay ku lug lahayd ama ka dambeysay qaraxaas.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa  waxaa kormeerkiisa ku weheliyay saraakiisha sar sare ee ciidamada xoogga dalka, booliska iyo hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay gudaha tiyaatarka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u saartay baarista qaabkii uu qaraxii shalay u dhacay waxuuna ballan qaaday in ciddii ay ku cadaato in ay fududeysay qaraxii shalay sharciga lasoo taagi doono, isagoo dhanka kalena sheegay in dadka xaaladdooda wax looga qaban waayay dalka gudihiisa ay dowladdu ka shaqeyneyso sidii ay dadkaasi u heli lahayeen daryeel caafimaad oo dibadda ah.

Sidoo kale shir ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay raiisal wasaaraha xukuumadda FKMG ayaa gabagabadii shirkaas waxaa la sheegay in xukuumaddu ay u saartay soo baarista iyo ka warkeenidda sidii ay wax u dhaceen guddi heer wasiir ah 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com