WARARKA BARAAWEPOST talaado 5 january 2010 

 

 

Barakac xooggan oo ka socda qaybo ka mid ah Muqdisho

 

Waxaa maanta si weyn looga dareemaya qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca waqooyi iyo koonfurta magaalada Muqdisho in ay barakacaayaan dadka halkaasi ku dhaqan kuwaasoo rananaya alaabahooda agabka jiifka iyo weliba maacuunta.

 


Barakacan ayaa ah kii ugu badanaa ee ka dhaca M/Muqdisho waxaana lala xiriirinayaa dhiilo colaadeed oo xooggan oo ka jirto Muqdisho iyadoo la dareemayo sida ay isugu qalab urursanayaan, dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda ee xarkada alshabaab iyo xizbul islaam.

 

Arrimahan ayaa waxaa ay ku soo beegmeen kadib markii qaar ka mid ah masuuluiinta dowladda ay si gooni gooni uga hadleen warbaahinta ayna sheegeen in muqdisho ay ka dhici doonaan guluf colaadeed taasoo saansaanteeda ay haatan muuqato isla markaana maantaba dhalisay in ay dad badan ka barakacaan Muqdisho barakacaasoo u muuqda in uu yahay kii ugu badnaa ee soo mara caasimadda soomaaliya. 

 

 

Maamulka degmada Dharkanleey oo ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay degmadaas

 

Macallin Cabdulle oo ah Gudoomiyaha degmada Dharkanleey ee gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxii xalay ka dhacay degmadaasi wuxuuna sheegay in ay ka danbeeyeen kooxaha ka soo horjeeda DFKMG .


qaraxaasi oo ka dhacay goob laga fiirsado ciyaaraha waxaa ku naf waayeye ilaa iyo sedex ruux oo dhalinyaro ah tiro kalena tobaneeyo ahna way ku dhaawacmeen.

 

Ciidamo Itoobiyaan oo soo gaaray degaanka kalabeyr

 

Waxaa maanta soo gaaray degaanka kalabeeyr oo ku dhow magaalada B/weyn ee xarunta goblka Hiraan cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda itoobiya kuwaasoo wata gawaarida dagaalka.


Lama oga sababaha dhaliyay in ciidanadaasi ay soo degaan xadka kala qaybiya kilinka shanaad iyo gobolka hiiraan .

 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com