WARARKA BARAAWEPOST Axad 5 june 2011 

 

 

Taliyaha ciidanka Booliska oo soo kormeeray xaafadihii ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta soo kormeeray deegaanadii ay shalay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen maleeshiyooyinka Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen ku xigeenadiisa iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Booliiska ayaa goobihii ay booqdeen waxaa ka mid ahaa xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Boondheere iyo Shibis,  kuwaas oo haatan ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayso DFKMG kadib markii ciidamada XDS oo garab ka helaya kuwa AMISOm ay xoog iyo dagaal kagala wareegeen kooxihii SHbabaab ee muddad dheer halkaa haystay, waxaana haatan sugidda amaanka goobahaas lagu wreejiyay ciidamo booliis ah oo uu taliyuhu halkaas geeyay.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaliyed Sareye guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa dhamaan goobihii uu kormeeray waxa uu kula hadlay ciidamada Booliiska ee sugaya amaanta deegaannadaasi , wuxuuna kula dardaarmay in ay adkeeyaan amaanka xaafadaha isla markaana aysan oggolaan in ay cid halkaas ka geeysato bililiqo iyo waxyeeleynta shacabka halkaas ku sugan wuxuuna taliyuhu ku adkeeyay ciidamadaas in ay wajibkooda u gutaan si wadaniyad iyo alla ka cabsi ku jirto.

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com