WARARKA BARAAWEPOST talaado 6 december 2011
Baabuur lagu xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay agagaarka Shineemo Ekwatoore Duhurnimadii maanta ayaaciidamada amniga ee DFKMg ee ku sugan waddada Maka al Mukarama gaar ahaan isgoyska KM4 ayaa waxay gacanta ku dhigeen gaari yar ooah kuwada raaxada ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, ciidamada o oka shakiyay gaarigaas ayaa waxay dadkii ka ag dhowaa agagaarka waxay ugu baaqeen inay ka fogaadaan goobtaas isla markaana waxay ku amreen wadihii gaariga inuu ka soo dego gaariga oo isku dhiibo ciidanka. Haseyeeshee wadihii gaariga ayaa intii uu is dhiibi lahaa wuxuu ka doorbiday inuu halkaas isku qarxiyo waxaana qarraxaas ku dhintay laba qof oo mdikood uu ahaa ninkii gaariga waday halka mid ka kalena uu ahaa askari ka tirsan ciidamada DFKMg, waxaana sidoo kale ,ku dhaawacmay laba qof oo goobtaas ka ag dhowaa. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay in howlgallo baaritaan oo ay ciidamadu saaka ka bilaabeen isgoyska KM 4 ay ku qabteen gaari Taksi ah kaasi oo ay ka heleen hub iyo rasaas uu u waday ururka Al-Shabaab, islamarkaana ay ciidamadu darawalka iyo gaarigaba u gudbiyeen hay'adahha nabad sugidda. Dhinaca kale gaariga ku qarxay isgoyska Km4 ayaa ahaa midkii labaad oo ciidamadu ay gacanta ku dhigaan isla markaana u shaqeynayay ururka Al-Shabaab, waxaana sida saraakiishu sheegeen uu darawalkii u sheegay ciidanka in uu soo qaatay lacag boqol dollar ah isla markaana laga codsaday inuu gaarigu halkaas dhigo , haseyeeshee markii ay ciidamadu u soo kaxeeyeen ninkii halkkii uu gaarigu yaalay si uu u tuso bamka ku xiran gaarigu ayaa darawalkii inta uu gaariga galay isla markiiba halkaas isku qarxiyay . Waxaa beryahan dambe magaalada Muqdisho ku soo badanaya falalka qaraxyada ah tan iyo markii ururka Al-Shabaab looga awood roonaaday gacan ku haynta magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa kula kulmay madaxda ciidamada booliska ee AMISOM Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Shariif Sheekhuna Maye ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho. Kulankaas o oka dhacay xafiiska taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed S/guuto, Shariif Sheekhuna maye ee ku yaal xarunta taliska ciidanka boliiska soomaaliyeed ee loo yqaan Commando di Polizia ayaa saraakiishii uga qaybgashay AMISOM waxay kala ahaayeen: 1- in si weyn loo adkeeyo guud ahaan amaanka magaalada muqdisho. Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |