WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 6 january 2010
Xubno ka tirsan Baaarlamaanka FKMG oo sheegay in uu dhamaaday xilligii Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaar ka mid ah xubanaha Baaarlamaanka FKMG ee soomaaliya ayaa sheegay in ay dhamaatay muddadii Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya uu xilka hayn lahaa, islamarkaana ay sheegeen in la gaaray xilligii la dooran lahaa Gudoomiye cusub oo ay xaq u leeyihiin qowmiyadda Digil Mirifle maadaama lagu qaybsaday awoodda 4.5.
Guud ahaan arimahani ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilligii ugu xumaa DFKMG oo ay ku jirto diyaargaroow dhinaca ciidanmada oo ay dooneeyso in ay ku baacasato kooxaha ka soo horjeeda. Ciidamada Booliska oo maanta howlgalo ballaaran ka fuliyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka xamarweyne ,xamarjajab, waaberi Boondheere iyo km 4 oo ah meelaha ay gacanta ku hayso DFKMG ee somaaliya ayaa ciidamada Booliska soomaaliyeed ay ka fuliyeen howlgalo lagu sugaayo amaanka guud ahaan iyo soo qabashada kooxaha caadeeystay dhaca gaadiidka iyo dadweynaha.
Howlgaladani ayaa ku soo beegmay xilli cabsi xooggan ay ka jiraan M/Muqdisho oo ay dad badan isaga barakacee4n 24kii saac ee ugu danbeeysy. Xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta deggan Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maaanta deggan ka dib markii maalinimadii shalay ahayd ay duqeeymo xooggan ka dhaceen kuwaasoo inta badan ay rideen ciidamada AMISOM ka dib markii kooxaha ka soo hoorjeeda ay hoobiyaal la beegsadeen markab siday shixnad hub ah uu ku xirnaa dekedda caalamiga ee Muqdisho.
Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |