WARARKA BARAAWEPOST KHAMIIS 6 january2011 

 

MUNAASABAD LAGU XUSAYEY CAALIMKII WEYNAA EE MACALLIN NUUR OO KA DHACDAY OHIO (COLUMBUS)

Siyaaro si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey “Caalimkii & Weligii weynaa ee Macallin Nuur Xaaji Cabdulqaadir” ayaa waxay ka dhacday Magaalada Ohio (Columbus), gaar ahaan Guriga Suldaan Xeydar Suufi Munye, maalintii Axadda ahayd, Taariikhduna ahayd 2011-01-02.

Siyaaradaan ayaa waxaa ka soo qayb galay dad weyne aad u fara badan oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Culumo badan oo ay ka mid ahaayeen :Shariif Shaaniyaalo Sh.Cali,Dr.Cabdisalaan Sheekh Xuseen, Sheekh Cadirazaaq Mohamed, Sheekh Cadirazaaq Suufi,Sheekh Ahmed Mohamed Saalah,iyo Dr.C/qaadir Cusmaan Matan.

Waxaa goobta laga soo jeediyey wacdiyo iyo muxaadarooyin qiima leh, oo ay soo jeediyeen Culumadii siyaaradaas ka soo qayb gashay oo ay ka mid ahaayeen: Sheekh Cabdirazaaq Mohamed iyo Shariif Shaaniyaalo. Sidoo kale, waxaa halkaas laga aklhriyay ”Nabi-ammaan iyo Qasiidooyinkii uuo Sheekh Macallim Nuur soo allifay, iyo qasiido Macallinka loo qaaday.”

         

Waxaa kaloo halkaas looga warramay tarriikhda Sheekh Macallim Nuur iyo wax qabadkiisa diineed intii uu noolaa iyo sidii uu xertiisa wax u bari jiray iyo haybadii & sharaftii uu Alle ku mannaystay Shiikhu, siiba xagga cilmi Tassawufka iyo ka jawaabidda Mas’alooyin Culimada qaarkood ku adkaan jirtay kuwaasoo Shiikha lala doonan jiray .

Waxaa halkaas laga caddeeyay in Sheekh Macallim Nuur uu ahaa Caalim & weli oo uu Ilaah ku mannaystay habka dadka loo fahamsiiyo caqiidada iyo tarbiyada looga baahan yahay qof kasta oo uu u doorto in uu ku biiro amaba uu ka mid noqdo AHLU TARIIQA (Suufiya), Madaradiisuna waxaa ka soo baxay Muriiddiin fara badan iyo Culimo sida Sheekh Nuureyni Imaam iyo Sheekh Maxamed Al Haadi oo labada haatan ku sugan Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya, halkaasoo ay imaamo iyo Qatiibo ka yihiin laba Masaajid waaweyn ah, , darsi diineedna ka bixiyaan maalin kasta.

                           

Culimada halkaas ka wacdiyey, waxay sheegeen in Diinta Islaamka, Culumada waaweyn iyo Fuqahada Cilmiga Islaamka ku takhasusay ay qabaan in la ”Siyaarto Mashaa’iqda iyo Culumaa’udiinta ehelka u ah fidinta diinta Islaamka, isla markaana lagu ammaano wax qabadkoodi diineed muddadii ay noolaayeen.”

Siyaaradaan waxay ku soo gaba gabowday jawi heer sare ah, Asharaaftii iyo Culumadii waxay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaaba u duceeyeen in sanadkan Cusub ee Hijriyada iyo Miilaadiyadaba uu khayrkiisa, wanaagiisa, barwaaqadiisa iyo nabadgelyadiisa leh Ilaah uga dhigo. Sanad daawo nabadeed, badbaadin ummadeed, nooleyn midnimo iyo wajir Ummadeed.

Sanad heshiis buuxa ummadda Soomaaliyeed ay gaarto, dagaalka iyo colaaddana loo helo daawo dhiig joojin ah. Ayna dhamaato nacaybka, muranka siyaasadeed, hab kooxeeysiga danaha gaarka ah iyo guud ahaanba Mushaakilada muddada dheer qaadatay.

      

Suldaan Xeydar Suufina, oo siyaaradda Sheekh Macallin soo abaabulay, waxaa loogu duceeyay in uu Illaah khayr siiyo isaga iyo ehelkiisaba, sannadkaan sannadkiisa kale Ilaah ku gaarsiiyo caafimaad iyo cimri dheer si uu fursad ugu helo in uu sii wato kheyrka uu hadda bilaabay, dad kalena ay ku deydaan kuna tusaale qaataan tallaabada uu Suldaanka ku dhaqaaqay in la siyaarto Culimadeena iyo Awliyaasheena ay caanka ku yihiin Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba.

Waa Billaahi Towfiiq.

Websitka baraawepost Ohio (Columbus)  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com