WARARKA BARAAWEPOST Sabti 6 march 2010 

 

  

Kalluumeeysatada Muqdisho oo ka cabanaya ciidamada DFKMG

 

Qaar ka mid ah kaluumeeysatada ku dhaqan Gobolka Banadir gaar ahaan degmooyinka Xamarweyne iyo SHangaani ayaa cabasho xooggan ka soo yeertay ka dib markii ciidamada illaalada ka ah degmooyinkaasi ay ka qaadaan lacago baad ah oo aysan awoodin bixinteeda.


Mid ka mi ah kaluumeeystadaas oo uu la xiriiray weiyaha shabakada warbaahinta ee  BARAAWEPOST oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa sheegay in doon waliba laga rabo in ay bixiso lacag dhan sh,so 100, 000/sh.so oo ay adagtahay in ay ka soo helikaraan xilliga ay badda u ugaarsi tagaan.


sidoow kale waxaa uu sgheegay in mar mar loo raacdo lacagta shidaalka oo ay doonta timaado iyadoo faaruq ah.
sidoow kale arintani ayaa saameyn ku yeelatay xadigga wax soo saarka kalluumeeysiga oo uu hoos u dhac xooggan ku yimid, taasoo sabatay in kalluumeysatada qaarkood ay doonyaha iska dhigaan maaddama lacagahaasi dulsaarka ah laga rabo.

Baarlamaanka DFKMG oo maanta shaaciyay in la sii daayay labadii xildhibaan ee ay Itoobiya haysatay

 

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya mudane Cismaan Cilmi Boqorre oo ka hadlay warbaahinta gudaha Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay sii deysay labadii xildhibaan ee dhowaan lagu haystay dalka I toobiya oo la doonayay in halkaasi lagu maxkamadeeyo.


Mudane Boqorre ayaa sidoo kale sheegay in labadasi xildhibaan loo heeystay in si sharci daro ay kaga talaabi rabeen xuduudka dalka Itoobiya oo ahayd mid tuhun ah oo aanan waxba ka jirin xuriyadoodana dib loogu soo celiyay ka dib markii ay dadaal xooggan ay sameeyeen masulliyiin ka tirsan labada gole ee DFKMG soomaaliya.


Gababadii ayaa uu sheegay in xildhibaandasi ay dadaal ugu jireen sidii markale gacanta loogu gelin lahaa Dowladda soomaaliya Gobolka hiiraan oo ay asal ahaan ka soo jeedan xildhibaandaasi.

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com