WARARKA BARAAWEPOST sabti 7 april 2012
Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG iyo Taliyaha ciidnaka Booliiska Soomaliyeed oo Baydhabo tagey maanta
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay waxaa maanta halkaas gaaray wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Wafdiga la socda gudoomiye Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Shariif Sheekhuna Maye iyo Masuuliyiin ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxaama wafdiga Baydhabo ku soo dhoweeyay Mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo horay Baydhabo ugu sugnaa luwaasoo halkaas gaaray xiligii uu Shariif Xasan horey booqashada ugu tagey halkaas. Sidoo kale waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli lagu guda jiro isku diyaarinta soo xulida xubnihii ka qeyb galihaa shirka la filayo in uu dhaco dha,aadka bishan ee lagu soo xulayo xubnaha odayaasha Dhaqanka iyo waliba Xildhibanada ka mid noqon doona Baarlamaanka cusub ee dhowaan xubnihiisa la soo magacaabi doono . Dhinaca kale Maamulkii Gobolka Bakool ayaa maanta iyana ku laabtay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolkaas, si ay uga sii shaqeeyaan halkaas, kadib markii Al-Shabaab laga saaray. Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Macalin Tall iyo maamulkiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Xudfur, halkaasoo bishii Marso ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ka fara maroojiyeen maleeshiyooyinkii Alshabaab ee muddada ku dhow 3 sanno halkaas haystay. |