WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 7 november 2012 

 

 

 

Sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska oo Roma kaga qaybgalaya shirweynaha 81 aad ee ururka Interpol

Sii hayaha xilka wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya mudane C/samad Macallin Maxamuud iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhuna Maye iyo wafdi ay horkacayaan ayaa magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga shir caalami ah oo magaaladaas uga socda dalalka ku jira Ururka Interpol ”International Police”  ururkaasoo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay, iyadoo shirkaasina looga hadlay Arrimo ay ka mid tahay horumarrinta Booliska Soomaaliyeed.

C/samad Macallin Maxamuud sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid sannad walba mar la qabto kaasoo ay ka soo qaybgalaan waddamada caalamka ee xubnaha ka ah ururkan isla markaana ay sannadkan ka soo qayb galeen in ku dhow illaa iyo 170 dal oo xubno ka ah ururkaas.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimha gudaha ee Soomaaliya mudane Cabdisamad ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha uga muhiimsanaa dhinaca Soomaaliya ay ka mid ahaayeen sidii Soomaaliya Booliskeeda looga taageeri lahaa dhanka qalabka isgaarsiinta si kor loogu qaado loona xoojiyo tayada ciidanka boliiska soomaaliyeed iyo xiriirka uu Booliska soomaaliyeed la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Interpol.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la weydiiyay suaal ku saabsanayd xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo waxa ay qabteen ciidamada Boolisku falalka amnidarro eeka dhaca magaalada ayaa sheegay in ciidanka booliska Soomaaliyeed ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka wadeen magaalada howlgalo lagu sugayo amniga islamarkaana intii ay ku guda jireen howlgaladaas ay ku guuleysteen imnay gacanyta ku soo dhigaan dambiilayaal kala duwan kuwaasoo faldambiyeedyo kala duwan ka geystay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa xusay in meel walba oo dunida ka mid ah ay ka dhacaan dambiyo ee dhibaatadu aysan ahayn oo keliya mid ku kooban Soomaaliya ama magaalada Muqdisho, xitaa waddamada kale ee caalamka ee nabadgelyadu ka jirto waxaa maalin walba ka dhaca falal dambi ah oo kala duwan.

Jenral Sheekhuna mar la weydiiyay suaal ku saabsan wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom ayaa waxa uu sheegay in weli ciidamada booliska AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho aysan howlgalo waaweyn oo ammaanka lagu sugayo aysan wada fulin. Taliyaha ayaa sheegay in inkastoo mandate ka ay haystaan booliska AMISOM ay tahay in gacan ku siiyaan ciidamada Booliska

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com