WARARKA BARAAWEPOST Talaado 12 april 2011 Xaflad lagu taageerayo taliyaha ciidanka booliska oo lagu qabtay Ohio Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaaldo Colombus Ohio isla markaana taageero loogu muujinayo taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa maalintii axadda ahayd lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.
Qaar ka mid ah ka soo qaybgalayaashii xafladdaas ayaa halkaas qudbado ka jeediyay ayaa sheegay inay taageersan yihiin isla markaana ay soo dhoweynayaan xilka culus ee loo magacaabay taliyaha waxayna illaahay uga baryeen inuu ku garab galo gudashada waajibaadkiisa isla markaana uu ummaada soomaaliyeed Nasri degdeg ah u soo dejiyo kana saaro dhibaatada ay ku jireen muddadada kow iyo labaatanka sanno ah.
Xafladdaas taageerada ah ayaa dadkii soo qabanaqaabiyay waxay kala ahaayeen: 1- Suldaan Xeydar Suufi Munye
Isla intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa halkaas laga aqriyay dhambaal taageero ah oo ay u soo direen taliyaha qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Fargo ee gobolka North Dakota ee dalka Mareykanka waxaana dadkii dhambaalkaas soo diray ay kala ahaayeen Mudane Xaaji Maxamed Bare, Community Chairman
Waxaa sidoo kale Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed halkaas dhambaal hambalyo iyo taageero ah uga soo diray Dhame Cabdulqaadir Xaaji Maxamed iyo Xaaskiisa Luul Nuur Sheekh Xarameen
|