WARARKA BARAAWEPOST Isniin 8 february 2010 

 

 

Dugsiyada waxbarashada ee magaalada Marka oo lagu amray inay taagaan calanka madow ee Alshabaab

 

Magaalada Maraka ee xarunta gobolka sh/hoose ayaa maamulka islaamiyiinta ee ka arimaya gobolkaasi ku amreen maamulada dugsiyada waxbarashada ee magaalada Marka in ay suraan calanka madow ee astaanta u ah xarakada alshabaab , islamarkaana ay dejiyaan calanka buluugga ee xiddigta cad ku sawiran tahay ee astaanata qaranka soomaliyeed.

Waxaa si toos ah maanta uga dhaqan gashay magaalada Marka awaamiirtaasi ka soo baxday maamulka xarakada alshabab ee gacanta ku haya maamulka gobolkaas.
sidoow kale raga ayaa lagu amaray in ay surwaalka gaabiyaan islamarkaana aysan garka xiirin ciddii isku daydana la waafajin doono shareecada oo ah sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

Afhayeenka DFKMG oo sheegay in dagaaladii xalay ka dhacay Muqdisho ay ka qayb qaateen ciidamo badan oo ajaanib ahi

 

Afhayeenka ciidamada DFKMGee soomaaliya Aadan Maxamed kaalmooy  ayaa sheegay in dagaaladii xalay ka dhacay M/Muqdisho ay si xoog leh uga qayb qaateen dagaalyahano ajaanib ahi oo u dagaalamayay kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda.


Afhayeen oo saakay ka hadlay warbaahintaMuqdisho ayaa sheegay in ciidmadasi ay ahaayeen kuwii ugu tirada badnaa ee ka qayb qaata dagaalada ka dhacaya Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay in ay ka soo degeen dekedda macmalka ee ceel macaan ee magaalada  Muqdisho, waxa uu raciyaya in ciidamadaasi ajaanibka ahi ay rideen madaafiic kala duwan oo jiho walba loo ridayay si loogu canbaareeyo ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.
 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com