WARARKA BARAAWEPOST Jimce 8 january 2010
Qaybo ka mid ah M/Muqdisho ayaa waxaa maanta ciidamada AMISOM ee fariisimda ku leh goobo kala duwan ay ka bilaabeen howlo miino baaris ah oo ay u adeegsanayaan eeyo si gaar ah loo tababaray.
Golaha ururka Ahlusuna wajamaaca ayaa si weyn u canbaareeyaay in la bedelo calanka soomaliya ,ahlusuna ayaa sidoo kale sheegay in bedelka calanaka ay ka danbeeyaan Dowlado dano gaar leh iyo dad shihseeye,iyagoo sheegay in qabiil waliba uu ilaah meel dejiyay ayna tahay waajib in ay lahaadaan wax lagu aqoonsado. Guud ahaan arimahani ayaa wxaa ay ku soo beegmeen xilli dhowaan xarakada alshabaab ay sheegeen in calan cad iyo mid madoowba la suri karo taasoo inta badan aysan dadka soomalida aysan ku qanacsaneeyn. Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |