WARARKA BARAAWEPOST Jimce 8 june 2012 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeer shaqo ah ku tagay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose

Tan  iyo markii  ay ciidamada Militeriga ah ee DFKMG ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay kala wareegeen gacan ku haynta qeybo kamid ah gobolka shabeelada hoose gaar ahaan inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye maleeshiyooyinka ururka alshabaab oo gacansaar weyn la leh urur ka alqaacida, ayaa Hay'adaha amniga ee dowlada ku meelgaarka waxay bilaabeen howgalo ballaaran lagu xaqiijinayo laguna sugayo amniga goobahii dhowaan lagala wareegay alshabaab.

       

Ciidamo isugu jira Boolis,Nabadsugid iyo Militeri ayaa si xowli ah waxay ku wadaan howgaladaas iyadoo la arkayo ciidamada oo si wadajir ah u gaaf wareegaayo gudaha iyo hareeraha magaaladaasi.

Waxaa beryahan qaar ka mid ah saxaafadda ay sheegayeen in degmada Afgooye ay ka jirto xasilooni darro isla markaana qaar ka mid ah ciidamada DFKMG ay qayb ka yihiin amnidaridaas maaddama lagu eedeeyaydad gashan dareyska ckiidamada inay dhac,boob iyo kufsi ka gaysteen degmada Afgooye.

         

Haddaba maanta ayaa wafdi saraakiil sare ah oo isugu jira Boolis iyo Nabadsuguid oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye iyo agaasimaha guud ee hayadda nabadsugidda qaran Azmed Macallin Fiqi ay gaareen degmada Afgooye si ay ugu kuur galaan xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta.

Taliyaha ciidanka booliiska soomaliya S/gaas Dr Shariif Shekhuna Maye ayaa wuxuu warbixin uga dhagaystay saraakiisha hogaamineysa howgalada amaanka lagu xaqiijinayo iyadoo ugu horeyn warbixin ku aadan arintiisi uu ka dhageystay S/guuto Ahmed hassan Maalin oo ah taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka banadir iyo S/guuto Garaad Nuur Cabdulle oo ah  taliyaha qeybta booliiska bartamaha ee Muqdisho.

           

Saraakiishaas ayaa taliyaha u sheegay in baaritaanadii ay maanta ciidamadu ka sameeyeen inta u dhexeysa ex Kontrol Afgooye illaa iyo degaanka Ceelasha lagu soo qabqabtay dad lagu tuhmayay inay ka dambeeyeen amnidarrida ka jirta degaamadaas ay holwgalada ka sameeyeen sidoo kale sraakiisha ayaa sheegay inay ciidamadu gacanta ku dhigeen intii ay ku guda jireen howlgaladooda walxaha qarxa iyo weliba dadkii watay kadibna ay ku wareejiyeen ciidamada nabad sugida dowladda isamarkaana ay weli ku raad joogaan baadigoobna ugu jiraan kuwo kale oo ay xog ka haayaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna ayaa intaas kadib uga mahadceliyey saraakiishaas iyo ciidamadii howlgalka fuliyay sida wanaagsan ee ay waajibaadkooda u guteen wuxuuna kula dardaarmay ineey sii labo laabaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta ammaanka. 

         
 
sidoo kale taliyaha ayaa wuxuu si gaar ah u faray ciidamada ka qeyb qaadanaya howgalada amaanka lagu xaqiijinaayo iney shacabka u turaan una naxariistaan cidii amarkaas la faray ka leexato ama lagu helo iyadoo faldambiyeed faraha kula jirto lagu qaadi doono talaabo adag oo sharciga la waafajin doono. 
 
Waxaa sidoo kale isna goobta ka hadlay oo warbixin iyo dardaaran ku wajahan ciidamada ka qeybqaadanaya  sugida amniga u jeediyey agaasimaha guud ee hayadda nabadsugida Qaranka soomaliyeed Axmed Macallin Fiqi isagoo kula dardaarmay ciidamada ineey si hufan u gutaan waajibaadkii loo soo xilsaaray ee ay u hayaan qaranka iyo shacabka.

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com