WARARKA BARAAWEPOST talaado 8 may 2012 

 

 

Dowlada Jaban oo Kuwareejisay Gawaari iyo Qalab Kala Duwan Ciidanaka Booliska Soomaaliyeed

Dowladda Japan ayaa shalay ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed deeqdaan ayaa ka koobanayd 16 Land Cruiser, 2 Ambulance 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah , jaakadaha laga xirto xabadda ( Bullet Proof Jackets ) isgaarsiinta raadiyaha gacanta walltalk, katiinadaha lagu xiro dambiilayaasha (handchain)  .

          

Ugu horayntii waxa kahadlay xafladii lagu wareejinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalyeed Gen. Shariif Shiikhuna isagoona uga mahad celiyay deeqdaan balaaran dowlada Jaban, waxaana uu u xusay inaysan ahayn deeqdaan tii ugu horaysay oo ay kahelaan dowlada Jaban oo ay sidoo kale qayb libaax kaqaataan mushaaraadka ciidanka iyo qalabayntoodaba isla markaana ay rajaynayaan in deeqdaana aysan noqon doonin tii ugu danbaysay, Gen. Sheekhuna waxaa uu sheegay in qalabkaan lagu wareejiyey  uu waxbadan kabadali doono tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed siina laba jibaarayaan dadaalkooda ku aadan soo celinta nabada iyo kala danbaynta.

        

Waxaana isna xaflada kahadlay Safiirka Jaban ufadhiya dalka Kenya  Amb. Shahisa Takeda isagoo sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo uu yimaado magaalada Muqdisho aadna ugu faraxsanyahay so dhaweynta loo sameeyey, waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka Jabaan deeqdaan ay katimid uguna tala galeen inay ku caawiyaan walalahooda Soomaaliyeed siina wadi doonaan qalabaynta iyo dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliya dhawaana ay soo gaarsiin doonaan qalab kala duwan.

          

Sidoo kale waxaa khudbad kajeediyey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane. Cabdi Samad Macalin Maxamuud isagoo dhankiisa sheegay in deeqdaan katimid shacabka iyo dowlada Jaban ay sare u qaadi doonto awooda ciidanka Booliska una sahlayso in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wax weyn kusoo kordhiyaan sugida nabadgalayada.

    

Ugu danbayntii waxaa goobta ka kahadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas waxaana uu mahadcelin baalaran u jeediyey Dowladda iyo Shacabka Jaban waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaare Gaas in Dowlada Jaban ay mudo badan lagarab taagnaayeen taageero nooc kastaba leh, kana mid yihiin wadamadda ka caawiya dalka Soomaaliya taba barida iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

           

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com