WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 9 december 2010 

 

 

Shirweynihii Guddiga fulinta Qowmiyadda Aw-Digil UK oo lagu qabtey Birmingham,UK.

 

Taariikhda 05/12/10

Waxaa shir aad u ballaaran oo muhiim ah ka dhacey magaalada Birmingham ,uk, taariikhdu markey aheyd 05/12/10,oo ah maalin axad ah.

Shirkaasi oo ay isugu yimaadeen dhammaan guddiga fulinta qowmiyadda Aw-Digil ee UK. Shirkaasi waxaa looga hadley arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Samafalka qowmiyadda Aw-digil , iska warqabka qowmiyadda guud ahaan iyo aflagaadadii loo geystey odaayaashii digil iyo mirifle UK ee lagu soo qorey website-ka Baidoanews.com.

                               

Shirkaasi wuxuu ku dhammaadey jawi aad u wanaagsan, waxaana ka soo baxey go’aanada hoos ku qoran:

1.   Waxaan si buuxda u taagerney go’aankii odayaasha Digil iyo mirifle UK ay soo saareen oo ahaa:

·         In si degdeg ah loo soo magacaabo guddi farsamo oo soo abaabula shirweyne guud oo ay u dhan yihiin qowmiyadda Digil iyo Mirifle UK, kaasoo lagudooran doono guddi mas’uul ka noqda qowmiyadda Digil iyo Mirifle UK.

 

2.   Waxaan raali gelin buuxda ka bixineynaa gefkii  iyo aflagaadadii loo geystey odayaasha Digil iyo Mirifle ee UK kuna soo baxey Website-ka Baidoanews.com taariikhdu markey aheyd  2/12/10.

 

3.   Waxaan markhaati ka nahay oo aan caddeynayaa in odayaasha Digil iyo Mirifle UK u taagan yihiin har iyo habeen horumarka, midnimada, samafalka iyo xallinta khilaafaadka qowmiyadda digil iyo mirifle UK.

 

4.   Waxaan talo u soo jeedineynaa dadkii ka dambeeyey qoraalka aflagaadada ah, in ay ka waantoobaan, iskana ilaaliyaan wax alla wixii dhibaato u keeni kara horumarka iyo midnimada qowmiyadda digil iyo mirifle UK

 

5.    Markii wada tashiyo lala sameeyey salaadiinta iyo aqoonyahanada qowmiyadda Aw-Digil meel kasto oo ay joogaan, waxey soo saareen go’aankan oo ah:

·         In magaca qowmiyadda Digil iyo Mirifle uu weligiisba ahaa Digil iyo Mirifle, ee uusan aheyn sida ayaamahan dambe lagu soo qoro website-ka baidoanews.com oo ah DigilMirifle

Sidaas daraadeed waxaan uga digeynaa dadka caadeystey iney qoraan magacaas  beddelan (DIGILMIRIFLE) oo ay u daayaan sidii soo jireynka aheyd ee Digil iyo Mirifle.

 

 

Waxaa lagu sagootiyey Guddoomiyaha Qowmiyadda Aw-Digil UK Mudane Cabdulqaadir Ibraahim Caddaay oo safar shaqo ah oo ku wajahan horumarinta arrimaha Qowmiyadda ugu kicitimi doono qaaradaha Asia & Africa.

 

Guddiga Fulinta qowmiyadda Aw-Digil UK 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com