Mid ka mid ah xubnaha ururka xisbul-islaam oo lagu dilay suuqa bakaaraha
Abaarihii 10kii Barkhanimo ee waqtiga geeska Afrikada Bari ayaa waxaa lagu dilay bartamaha suuqa bakaaraha nin lagu sheegay inuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka xizbul islaam , waxaana lagu dilay afaafka hore masaajid Abaa hureera oo ku yaala dhinca waqooyi ee suuqa weyn ee Bakaaro ee M/Muqdisho.
Wararka waxay inta ku darayaan in dilkaas ay geeysteen kooxo ku hubeeysnaa Pistoolado oo wejiga cimaamad kaga duubneeyd kuwaasoo aanan la ogeeyn halka ay u baxsadeen.
Dilkani ayaa saameeyn xooggan ku yeeshay suuqa weyn ee Bakaaro waxaana qaar ka mid ah goobaha ganacsiga gaar ahaan bakhaarada waaweyn laysgu dhuftay albabaabada, waxaan muuqata saansaan xiisado colaadeed oo dhexmari karta kooxaha alshabaab iyo xizbul islaam oo maalmihii ugu danbeeyaya uu xiriirkoodu soo xumaanayay.
sarkaalakani lagu dilay maanta suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu ahaa xubnaha ugu cad cad ee gacnsaarka la leh Xasan Daahir Aweys oo, lama oga waxaa uu xaalka noqon doono balse xaaladda Bakaaro wey degen tahay balse qal qal xooggan ayaa ka jira.
Waxaa maalintii labaad ku sugan dalka Biritian wafdi ka socda DFKMG
kulan socday muddo ka badan saacad ayaa waxa uu dhexmaray Mr Gorden Brown oo ah R/Wasaaraha Dalka Biritian iyo wafdigii uu hogaaminaayay madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa.
kulankaasi guud ayaa madaxweyne shariif wuxuu ka warbixiyay xaaladda guud ee uu maraayo dalka soomaaliya, sidoo kale kulankaasi ayaa lagu lafa guray dhinacyada dhibaatada ku ah dalka soomaaliya oo ay ugu horeeyaan argagixisada iyo Burcadbadeedka sidii looga hortagi lahaa .
Sidoo kale madaxweyne Shariif ayaa Mr Brown u sheegay sidii loo soo deyn lahaa lamaanaha Ingriiska ee ay heystaan Burcad badeedka soomaalida.
Kulanka labada dhinaca ayaa ah kii ugu horeeyay ee dhexmara labada Masuuul waxaana uu ku dhaamaday jawi aad u wanaagsan, waxaana la filaayaa in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gooni la yeeshaan jaaliyada soomaaliyeed iyo ururada islaamka ee degan Dalka Britian tan iyo inta laga gaarayo maalinimada jimcaha ee foodda nagu soo haysa uu halkaasi ku joogi doono booqashadiisa .