WARARKA BARAAWEPOST Sabti 18 July 2009

 

Soomaaliya Iyo Ahlusunna waljamaaca.

Sida ay ka war qabaan inta aqoonta u leh taariikhda geyigan, dalka Soomaaliya waa waddan diinta Islaamka ku leh taariikh & xadaarad fac weyn.

Waa wadankii ugu horreeyey ee diinta Islaamku soo gaartay (615M) 5 (shan) sano oo keliya markii laga joogay soo bixitaankii Rasuulka (CSWS), waqtigaas oo ku beegnaa 8 sano ka hor hijradii Rasuulka (CSWS) ee Madiina.

Hijrooyinkii karaamada badnaa ee diintu ku soo gaartay dalkeena waxaa kala hogaaminayey Sayid Cusmaan Ibnu Cafaan & Jacfar Ibnu Abii daalib (RCM).

Rabbi (SWT) ayey mahadi u sugnaataye ilaa xilligaas marna wax hakad ihi ma gelin faafitaanka diinta Islaamka, ilaa ay soo baxeen culama Soomaaliyeed oo door weyn ka qaadatay barashada & fidinta diinta Islaamka oo gaaray heer iyaga looga soo xareysto caalamka Islaamka.

Waxey qoreen culumadaas Soomaalida ihi kutub caan ah oo leh fanni kasta oo culuumta Islaamka ah, waxay culammadaasi isugu jiraeen:-

Qurraa’, Mufasiriin, Xufaad, Fuqa’ha, Mu’arikhiin, Luqwiyiin & qeybo kale, waxaana ka xusi karnaa:-

·                    Al-iimaam Fakhrudiin Al-Saylaci oo ahaa sheekhii Xaafidu Seylaci oo allifay kitaabka weyn ee la yiraa Tabyiinul-xaqaa’iq oo ah sharaxa kitaabka weyn ee Kansu-daqaa’iq.

·                    Al-Xaafidu Seylaci oo qoray Kitaabo badan oo loo cuskado diinta Islaamka, sida Nasbu-rayah fi takhriiji axaadiis il- hidaayah.

·                    Imaamu Shamsu-diin Al-Maqdashi oo ka mid ahaa culumadii ugu caansaneyd qarnigii 8-aad ee Hijriyada.

·                    Imaam Max’uud Ibnu Cali Ibnu Abiikar Al-maqdashi oo ahaa Iimaam reer Muqdisho ah; waxaana xufaadii uu sheekh u ahaa ka mid ahaa: Al-Xaafidu Dahabi & amiirkii mu’miniinta ee Axaadista ee Al-Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani oo ahaa Imaamkii allifay sharaxa ugu weyn Saxiixul-Bukhaariga ee Fatxul- Baari.

Imaam-yaalka waaweyn ee Islaamka ee ka sii faa’ideysatey mashaa’ikhdan Soomaaliyeed iyo kuwa ka qaatay cilmiga waxaa kale oo ka mid ahaa:-

·                    Al-Xaafidul Ciraaqi, shaykhul-islaam.

·                    Al-Xaafidul Ceyni.

·                    Al-Xaafidul  Busayri.

·                    Al-Xaafidul Casqalaani, shaykhul-islaam.

·                    Al- Xaafidul Haythami.

·                    Al-Xaafidu-Sakhaawi,

·                    Xaafidu- Siyuudi, Sheykhul Islaam

·                    Al-Xaafid Sakariyal-ansaari, shaykhul-islaam.

·                    Al-xaafidul-Jasari, shaykhul-slaam.

·                    Al-Xaafidul-qasdalaani, shaarixu S/Bukhaari

·                    Imaam Ibnu Xajar Al-Haytami,

·                    Imaamu Ramali, Saaxibu nihaaya,

·                    Imaam Khadiibu- Sharbini, iyo

·                    Imaamyo kale oo aan halkan lagu  soo koobi karin.

Culammada Soomaaliya waxaa intaas u dheeraa kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen difaaca diinta, dadka iyo dalka oo ay hogaaminayeen mashaa’ikhda Suufiyada ee Ahlu-Sunna wal-Jamaaca . sida:-

·                    Sheekh Cumar Walasmac.

·                    Sheekh Sacdudiin Al-Saylici.

·                    Imaam Axmed Gurey.

·                    Amiir Nuur.

·                    Sayid Max’ed Cabdulle.

·                    Sheekh Muxammad Khaliif.

·                    Sh. C/qaadir Sh. Sakhaawa-diin,

·                    Sheekh Uweys.

·                    Sheekh Xasan Barsane.

·                    Sheekh Bashiir, &

·                    Mashaa’ikh  kale.

Waxaa taariikhda ku cad oo aan marag u baahnayn, in muddadii mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee Suufiyada ahaa hoggaaminayeen dalka aan marna la hanan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, lana gaaleysiin hal qof oo muslim ah. Dadaalka dheer ee culumada Soomaaliyeed wuxuu sababay in Soomaaliya yeelato midnimo dhan kasta ah. waayo:

Mad’hab ahaan waa Shaaficiya, caqiido ahaana waa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku abtirsada Abu Xasan Al-Ashcari & Abuu Mansuur Al-Maa’turiidi, kuna mideysan dariiqada suufiyada oo dhammaantood ku abtirsada iimaamyada Salafu Saalix.

Waqtigan aan joogno culammada Soomaaliyeed ee suufiyadu waa kuwa Difaaca Diinta  dadkana  bara diinta islaamka, waxay aqriyaan: Tafsiirka, Qiraa’aadka iyo dhammaan culuumta Qura’aanka kariimka. Axaadiista Rasuulka CSWS, Musdalaxa  Cilmu Nujuumta iyo dhammaan culuumta axadiista. Caqiidada, Fiqhiga, Usuulul-fiqhiga, Siirada, iyo Aalada (dhammaan fanniyada carabiyada).

Ilaa iyo hadda ma jiro qof  kitaab aqrin kara oo aanay Suufiyadu cilmiga soo barin, xataa kuwa fara ku tiriska ah ee wadaadada u ah wahaabiyada (khawaarijta casrigaan) waxaa wax soo baray culammada suufiyada.   Arrintaas waa marag ma doonto.

Tan kale, culammada suufiyadu waa aqoonyahamiinta difaaca caqiddada suuban ee ahlu-sunna wal-jamaaca.

Intaas waxaa u dheer waxay ka shaqeeyaan hishiisiinta iyo is jecleysiinta ummadda walaalaha ah.

Waa dhaxalkii anbiyada, waa khaliifyadii Awliyada Ilaahay, Muslimiinta ma laayaan si ay ku helaan xukun, dhaqaale, jago iwm.

Dalka ma burburiyaan  mana u adeegaan cadawga diinta, dadka   iyo dalka.

Diinta ma beddelaan, ma gataan, mana caasiyaan sheekhyadooda, ma caayaan mana weeraraan taariikhda ummaddooda, diinta way aamminsan yihiin ee kuma gabbadaan. Sidaas darteed, culammada, madaxda iyo dhammaan wax garadka Soomaaliyeed waxaa lagama maarmaan u ah:

         1.  In ay iska kaashadaan soo noolaynta iyo xoojinta doorka   culammaa’udiinka si ay kaalin mug leh uga qaataan bad’baadada ummaddan muslimka ah.

        2. In la horumariyo ku dhaqanka shariicada islaamka sida saxda ah  ee ku dhisan badbaadada, naxariista, wada noolaanshaha wanaagsan,iyo horummarka ummadda adduun iyo aakhiro,si looga guulaysto kuwa sida beenta ah ee naxariis darrada ah u isticmaala magaca diinka(Alshar Iyo Xizbu Xasuuq).

       3. In muddnaan weyn la siiyo taageerada sidii dawladnimada cagaha loogu taagi lahaa, si loo gaaro fursad dadku Kaga Soo Kabsadaan Dhibaatada 20 Sano Cagacageeneysa.

Su,aasha Iswaydiinta  Mudan yaa taagyeera Culimada Ahlusunna?

Waxaa Taagyeera Shacbiga Soomaliyeed Kuwaas oo Ay Diinta Soo Bareen Ka Difaaceen Gumaysigii Ku Soo Duulay.

Culimada Soomaaliyeed ee Ahlusunna waa Kuwa  Keliya Ee Ka Madaxbanaan Faragelin Shisheeye Maxaa Yeelay Culimadu Ma Raacaan Waxaan Kitaabka Iyo Sunnadu U Fasaxin.

Maxaa Ku Kalifay Ladagaalanka Khawaarijta Casrigaa?

Waxa Ku Kalifay Waa Cadahay Waxaa La Ogyahay Khawaarijtu Waxay U geesteen Sanadyadaan Danbe Shacabka Soomaaliyeed iyo Culumadooda.

waxay sameyeen Dil, Dhac, Boob, Gowrac kufsi, Faagida Qabuuraha Owliyada  Ilaahay Kadib Markay Arkeen Culimadu Tacadiyadaas Waxay Garawsadeen In ay Ku La Dagaalamaan Caqiidada Maadaama Aqoon Xeeldheer Uleeyihiin Yaqaanaan Xukunka Khawaarijta Ee Diinta Islaamku Ka qabto oo Aysan Ladagaalami Karin Cid Aan Ayaga Ahayn.

Allaha nagu galladaysto Iimaan, naxarriiis, sharaf iyo barwaaqo.

Wa billaahi tawfiiq.

Xaafiiska Midowga Dalada Aqoonyahanada Ahlusunna Waljamaaca.

Junaydi99@hotmail.com

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com