WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 7 2010

 

          

 

Geeddi socodka nabadda Somalia maxaa hortaagan ?

 

Hordhaca sooyaalka taariikheed ee geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa mid aan rajo lahayn, waxaanna loo sababeynaya Dagaallada aan dhammaadka lahayn ee ka dhacaya Magaalo Madaxda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka qaarkood kuwaas oo Salka ku haya fikrado gumaysi uu ku adeeganayo iyo kuwa Diin u nasab sheeganaya oo aan Tanaasul lahayn dhibaatooyinkani ayaa inta badani waxay ku dhacayaan Dadka Raydka ah iyadoo weliba uu u dheer yahay Qax, Barakac, Xasuuq, Dil, Dhac, Tahariib, iyo Tarxiil aan naxariis lahayn , hubka Sharci darrada ah ee Dalka ku sii qulqulaya ayaa ka mid ah waxayaabaha ugu waaweyn ee hortaagan muhiimadda Geedi Socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya ee ay ku howlan tahay Hay'adda Qaramada Midoobay qaybaheeda ku sugan Dalka .

 

Haddaba waxaannu ognahay inay Dowaladda Itoobiya tahay Dowladda keliya ee Shirkii baarliin kala qayb gashay gumaystayaasha reer Galbeedka markii ay Waddamada Afrika qaybsanayeen dhul baaxad leh oo Dalka Soomaaliya ka mid ahina ay weli gacanta ku haysato, Jamhuuriyadda Dalka Soomaaliyana Xoog dib loogaga Xoreeyay welina ay u rajo weyn tahay inay dib ugu soo noqoto Dalka Soomaaliya .Maamuladda DFKG ahi iyo kuwa Ismaamulka Goboleedyadana ay u yihiin kuwa u adeega Maxaysatada Itoobiya una mooday inay horumar la jeceshahay hase ahaatee doonaysa inay gacanta ku dhigto dhammaan Dalka Soomaaliya oo dhan si ay uga soo baxdo ballantii ay la gashay Gumeystayaasha reer Yurub una dhammaystirto howlaheeda u gaarka ah oo aannu ognahay inay Itoobiya aannu lahayn Bad ku xirta Dunida inteeda kale oo dhan.

 

Dowladda FKMG ahi iyo kooxaha ka soo horjeeda ee Dagaallamaya maxaa la gudboon? si uu u dhaqan galo geedi socodka nabadda waa in marka hore labada dhinacba lagu dhawaaqaa Xabbad joojin deg-deg ah loona saaraa guddi wada hadal oo labada dhinac ay soo kala doortaan , guddiyadu waxay soo diyaarinayaan Qodobada ugu muhiimsan ee ay Siyaasaddu ka cakiran tahay ee la doonayo in l;aga wada hadlo, waxaanna muhiim ah in laysu tanaasulo sababaha iyo Xaaladaha aannu kor ku soo tibaaxnay dartood isla markaana xanibaadda laga qaado Hay'adaha Gargaarka si ay u quudiyaan Dadka ku dhibaataysan dhammaan Xeryaha Qaxootiga ee Dalka gudihiisa iyo kuwa Xuduudaha .

 

Golaha Baarlamaanka ee FKMG ah ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaad moodaa inay wax ka bedeli karaan Xaaladan murugsan ee uu Dalku ku sugan yahay , haddii ayu  kabo qaataan sababtoo ah; waxaannu ognahay inuu Baarlamaanku ka kooban yahay dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed , kooxaha Dagaalamayana ay yihiin kuwa ka mid ah Shacabka doonayana inay helaan aqoonsi Siyaasadeed oo ku dhisan Jago Madaxeed ayna haboon tahay in Xal loo helo , Baarlamaanka FKMG ahi Shacabku wuxuu ku qabaa kalsooni aad u weyn waana in uu soo diyaariyaa Xal u helidda Geedi Socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya iyo sidii ay isu arki lahaayeen DFKMG iyo Mucaaradka.

 

Geedi socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya waxyaabaha hortaagani kor ayaannu ku soo lafagurnay hase ahaatee, waxaa muhiim ah in dhallinyarada Soomaaliyeed loo helaa Barnaamijyo cusub oo Hubka looga dhigayo loona jahaynayo mashruucyo wax soo saar oo ay ka heli karaan nolol wanaagsan oo ay kaga mid noqonayaan bulshada inteeda kale ee aan hubaysnayn , sida Waxbarashada , Kalluumaysiga , Beeraha iyo Wax soo saarka , Burcad Badeeda waa in loo helaa Mashaariic horumarin lagu badbaadinayo naftooda iyo tan ay Dhibaatada u geysanayaanba Dowladduna ay Xal  deg-deg ahi u hesho Maraakiibta Ajaanibka ah ee Sunta iyo Qashinka ku Daadinaya Xeebaha Dalka iyo Sharci darraba uga Kalluumaysanayo , Burcad Badeedana looga digo inay Meherad ka dhigtaan Bucadnimo iyo Baad qaadasho aan kala sooc lahayn  oo joogto ah.

 

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsan Geedi socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya maxaa Hortaagan? ayaa waxaannu talo iyo turxaan bixin ugu soo jeedinaynaa dhammaan dhinacyada iskaga  soo horjeeda Siyaasadda Dalka Soomaaliya inay isu Tanaasulaan dagaallda iyo dhiiga qubanaayana joojiyaan una turaan Shacabka raydka ah maatida , Carruurta ,Haweenka iyo Dadka Da'da ah ee aan u adkaysan karin Madaafiicda aan loo meel dayn ee lala beegsanayo goobaha ay Dadka raydka ahi degan yihiin , horumarku wuxuu ku jiraa inaannu u noqono Kitaabka alle ee Xaqa ah , kana qayb qaadanno dhammaanteen barnaamijka dhabta ah ee Geedi socodka Nabadda ee Dalka lagu hormarinayo.

 

Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Eng. Daadurey)

Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com