WARARKA BARAAWEPOST aXAD 22 august 2010 

 

 

Canbaareyn dilkii nabadoon Maxamed Tahliil Warsame

 

Dilka Shakhsiyaadka wax galka ah waa astaan dhaqameedka si caadi ah uga hirgalay dalkeena Somaaliyeed gaar ahaan Caasimadda Muqdisho waana arrin ayaan daradeeda leh isla markaana mudan ka gilgilasho iyo canbaareeyn laxaadkeeda leh,shakhsiga bulshada dhexdeeda qiimaha ku leh wuxuu mudan yahay tixgelin iyo xurmoba,iyadoo lagu maamuusaayo ama lagu qadarinaayo kaalinta iyo doorkiisa wax qabad iyo mudnaanta Maqaamkiisaba.

 

 Hadaba waxaa dhowaan si xaq darro ah loogu dilay duleedka magaaladda muqdisho:-Nabadoon- Sheekh Maxamed Tahliil Warsame 00 ahaa gudoomiyaha golaha Samadoonada Somaliyeed sidoo kale ahaa nin Wadaad ah oo si weyn loogu xeeriyo aqoonta diinta islaamka,kana mid ahaa shakhsiyaadka doorka weyn ka ciyaar xalisanta iyo howlihii nabadeed ee Gobaolka Banaadir xiligii golihii Maxaakiimta Islaamka,Mudadan dambena ku howlanaa ka shaqeyn iyo doorinta xalka arrimaha Somaaliyeed(waqtigiisa qaaliga ahna u huray) sidoo kalle si weyn ugu howlanaa camal kheeyrka iyo gargaar iyo taakuleeyn u fidinta dadka dan-yarta(Allah Ajar weyn ha ka Siiyo-Aamiin),Falal noocaas oo kalle ah ayaa ka dhaca Magaalooyinka:- Boosaaso,Gaalkacyo iyo Baladweyneba.

 

Dilka wax tarka:-Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka,Saraakiisha sare,Hogaan Dhaqameedka,Weriyaasha iyo Xubnaha Warbaahinta,Barayaasha,Dakhaatirta iyo Gargaarayaasha Caafimaadka,Shaqaalaha Samafalka iyo Shakhsiyaadka Nabada ku howlan waa arrin gef weyn ah,waana mid la oran karaayo waxaa looga jeedaa ciribtirka dadka wanaagsan oo qiimaha qarameed leh,lamana soo koobi karaayo in sida gacan ka xaq darani dishay-Tusaalle ahaan:- -Proff-Ibrahim Abyan,C/Qaadir Yaxye,Barliin,Gen-Saraanle,Gen-Jilicoow, Sh.Boqolsoon,Dr-Cali,Weriye-Bashiir,Weriye-Duniya,Abwaan-Jeyte,Gen-Max'd Cabdi,Col-Cumar Xaashi,Proff-Maxamed Warsame iyo boqolaal dhigooda ahaa oo aan wax debi ah gelin,waana khasaare qarameed culeeyskeeda leh Allah ha u naxariistu dhammaantood(Geeriduna waa Xaq)gacan ku dhiigluhuna wuu heli ciqaabtiisa maalinta xisaabta-inshaa Allah.

 

Hadaba-waxaan halkan si weyn uga canbaareeynaayaa cidii geeystay ama gacan ku laheyd dilka Nabadoon-Sh.Maxamed Tahliil waana fal dembiyeed cad oo aan meel loogu gaban,waana dhaqan Diinta islaamka si weyn uga baxsan Allahna ku ciqaabi doono cidii geeystay Maalinta xisaabta,Allah Naxariistii Jano ha ugu Deeqo Marxuumka,ehelkiisina Sabir iyo Iimaan ha siiyo-Aamiin.

 

 

 

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK- 17/08/2010.

-sharifhassan50@hotmail.co.uk. 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com