WARARKA BARAAWEPOST aXAD 22 august 2010 

 

 

Fadlan caawi xaaskii marxuum Aw Kuuku

Allah Mahad Leh-Gargaare,Raxmad iyo Naxariisba leh-Walaalayaal qormadan maanta ayaa ah mid damiir u naxa oo u naxariista u baahan sida ku haboona u dareema oo uga Damqadda xaaladeeda tabaaleed iyo duruufaha dhaqaale xumo oo heeysta Marwadda aad codkeeda ku maqli doontaa halkan hoose,in badana oo Dadweynaha Somaaliyeed ka mid ahna si weyn u garan doonaan gaar ahaan Bahadda Fanka iyo Sugaanta weliba inta waaweyn oo caanka ahaa Marwadaan tabaaleeysan oo marka aad codkeeda iyo qaabka codsigeedu u dhacaayo aad maqashaan jirku jiriricoon doona indhaha ilmo isku soo taagi doonta waa-Marwo-NUURTA JEELOOW Xaaskii wuu ka geeriyoodeey Fanaankii Caanka
ahaa ee dhanka Majaajiladda-Al-Marxuum-Fanaan-C/LAAHI AMIIN ROOBLE(Awkuukuu) oo ku sugan caasimadda Somaaliyeed Muqdisho oo duruufo adag ka jiraan dhanka nolosha iyo amaankaba,Marxuum Awkuuku wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii ugu caansanaa dalkeena dhanka Majaajiladda iyo madadaaladda wuxuuna ka mid kooxdii qaranka ee Waberi,hadaba waxaan baaq gaar ahaaneed halkan uga soo gudbinaayaa Bahdii Fanka Somaaliyeed intooda weli aduunka jooga Allah cimri dheer, caafimaad iyo camal suuban ha siiyo-aamiin,Tusaale ahaan waxaan halkan  Xusaayaa:-
 
 

-Al-Abwaan-Ustaad-Saciid Saalax Axmed.
-Al-Fanaan-Xassan Aden Samater.
-Al-Fanaan-Axmed Cali Cigaal.
Al-Fanaan-Maxamed Axmed(Kuluc).
-Al-Fanaan-Ustaad-Axmed Naaji Sacad.
-Al-Fanaanad-Maryan Mursal Ciise.
-Al-Fanaanad-Hibo Xaaji Maxamed(Hibo Nuura)
-Al-Fanaanad Khadra Daahir Cige.
-Al-Fanaanad-Saado Cali Warsamme.
-Al-Fanaanad-Khadiija C/Laahi Cali(Daleeys).
-Al-Fanaanad-Faaduma C/Lahi Kaahin(Maandeeq).
-Al-Fanaanad-Seynab Cige Maxamuud.
-Al-Fanaan-Bashiir Cali Xuseen.
-Al-Fanaan-.Qaadir Macalin Jubba.
-Al-Fanaan-Cabdi Xassan Dige.
-Al-Fanaanad-Faaduma Cali Nakruuma.
-Al-Fanaanad-Nimco Yaasiin Caraalle.
-Al-Fanaan-Maxamed Suleeymaan Tubeec.
-Al-Abwaan-Ibraahin Cajaa'ib.
-Al-Abwaan-Maxamuud C/laahi Singub.
-Al-Fanaan-Maxamed Axmed Qoomaal.
-Al-Fanaan-Cali Naaji Sacad.
-Al-Fanaanad-Faadumo Duur.
-Al-Fanaanad-Faaduma Qaasim Hiloowle.
-Al-Fanaan-Aweeys Khamiis Cabdalle(Mabuuta).
-Al-Fanaanad-Aamina Camiiri.
-Al-Abwaan-Cabdullaahi Lagjar.
-Al-Abwaan-Barre Macalin Fiidoow.
-Al-Fanaanad-Xareeda Ismaacil Duniya.
-Al-Fanaan-Ustaad-Maxamuud Ismaciil Xudeeydi.
-Al-Fanaanad-Cadar Kaahin.
-Al-Fanaan-Cabdulqaadir Gaadaco.
-Al-Fanaan-C/Risaaq Baadil.
-Al-Fanaanad Caasha Cabdo.
-Al-Fanaan-C/Laahi Yuusuf Hanuuniye.
-Al-Abwaan-Cabdi Qeys.
-Al-Fanaan-C/Qaadir Bagaag.
-Al-Fanaan-C/Qaadir Macoow.
-Al-Fanaanad-Shax-shaxleey.
-Al-Abwaan-Ciyaar Jecel.
-Al-Fanaan-Cabdiraxmaan Aw-Koombe.
-Al-Fanaan-Cumar Shooli(Ma Daali Waaberi).
-Al-Abwaan-Yuusuf Yarre.
-Al-Fanaanad-Fartuun Axmed Barimo.
-Al-Fanaanad-Deeqa Axmed.
-Al-Fanaanad-Faduma Cali Elmi(Haldhaa).
-Al-Fanaanad-Duniya Axmed Baraxoow.
-Al-Fanaan-Shimaali Axmed Shimaali.
-Al-Fanaan-Cabdi Shire Jaamac(Jooqle).
-Al-Fanaan-Cabdi-Jabaar El-Khaliiji.


Magacyadaas Fanaantii iyo Abwaanadda caanka waa tusaale ahaan ee booqu wuxuu ku Socdaan guud ahaan Jaaliyadda qurba jooga iyo gaar ahaan bahdda fanka iyo sugaanta, waana baaq Islaanimo ku saleeysan,bani-aadaminimo ka duulaaya Somaalinimo ku dheehan tahay Fadlan si naxariis leh,dareen Muslinimo leh,damiir dadnimo oo nool leh u dhegeeysta ereyadda Marwo-Nuurto Jeeloow dhuuxa uga gargaare,caawi oo taakuleyn macquul ah kuna xiran awood qof walba u fidiya,waana sadaqo weliba iyadoo lagu jiro bishii barakeeysneeyd ee Ramadaanka Kariimka ah oo sifooyinkeeda ugu waaweyn is caaawintu ka mid tahay,bahdda Fanka iyo Suugaantuna yihiin Koox bad wadaag ah oo isaga dhoow dadka kalle.
 
 
-Walaalayaal:-Waxaa kalla Xiriir Kartaan Nuurta Jeeloow(Xaaskii Al-Marxuum-AWKUUKU)
Telkaan:-00252-6994-1004 ama kala xiriir:-   www.4somaliwomen.com.
 
 
-ALLAH MAHAD LEH-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 16/08/2010.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk.
 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com