BP Arbaco 11April 2007

XUSKA  NABGA S.C.W. OO LAGU QABTAY MAGAALADA GÖTEBORG.

Habeenkii Nabigu (scw.) dhashay, waxay Dunida oo idil u ahayd habeen farxad badan, maxaa yeelay waxaa Dunida lagu soo dhawaynayay khalqiga oo idil kii ugu khayrka badanMaxamed bin Cabdillaahi”. 

Sanad kasta markii la gaaro Bisha Rabiicul-Awal ayay Muslimiinta soo cusboonaysiiyaan ama sii kordhiyaan ”Farxaddii & maxabbadii ay Nabiga scw. u qabeen”, waxayna u dabaaldagaan sidii maalin Ciid ah oo kale, waxaana caado u noqotay Muslimiinta in ay Xuska dhalashada Nabiga scw. kulanno sameeyaan, SIIRADII NABIGA SCW.”, isla markaana dadka la wacdiyo oo loo sheego wixii Rabbi uu xarrimay iyo wuxuu xalaaleeyayba. 

Haddaba, taariikhdu  markay ahayd 31 Mars 2007 ayaa Magaalada Göteborg, gaar ahaan Gårdsten Centrum (Gårdsten Skola) ka dhacay xus wyn oo ay ka soo qayb galeen Muslimiin badan oo ka kala yimid Magaalooyin kala duwan ee ka tirsan Dalka Sweden sida Stockholm iyo Alingsås iyo weliba magaalada Oslo ee dalka Norwey waxaana halkaas laga aqriyay  Siiradii Nabiga scw. iyo QASAA’ID ammaantiis ah ba, Muslimiintana guud ahaan looga duceeyay, lana wacdiyay, dadkii Xafladda Ixtifaalka Mowliidka Nabiga scw. 

Culumada ka soo qayb galay Xuska Nabiga scw., waxaa ka mid ahaa: Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiydiin Celi, Sheekh Maxamuud  Cabdi Sabriye,  Sheekh Cabdirashiid Xaaji Axmed, Sheekh Cabdi-Nuur Macallin Cabdulqaadir, Macallin Saciid Xasan Cilmi, Macallin Bashiir Axmed Salaad, Imaam Sheekh Cabdirashiid Maxamed, Sheekh Guuleed Aadan Maxamed iyo Culumo badan oo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi karin.  

Sidaa si le’eg waxaa Ixtifaalka Mowliidka Nabiga scw.lagu qabtay Caasimadda Dalka Sweden (Stockholm), taariikhdu markay ahayd 5.04.2007  . Dalka Finland, Magaalada TURKU, iyadana waxaa Xafladda Mowliidka Nabiga scw uu ka dhacay Maalinimo Sabtida ah, Taariikhduna ay ahayd 7 Abril 2007, haddii Ilaah idmo.”

Mawliidka Nabigu (SCW.) wuxuu kordhiyaa iimaanka dadka ”Muuminiinta ah ”, laakin wuxuu dhib ku yahay dadka Gaalada ah, Shayaadiinta, Bidcada iyo Qof kasta oo caqiido qalloocan aaminsan.

Waxaa lagu yaqaan dadka iimaanka leh in ay Nabiga amaanaan, kana jecelyihiin naftooda iyo cid kastaba, laakin waxaa soo baxay baryahaan dambe dad markii ay arkaan iyadoo Nabiga SCW. la xusayo ama la amaanaayo ”QANDHO QABANAYSO, mararka qaarkoodna Nabiga meel uga dhacaya, sida in ay yiraahdaan ”Waxba ma tari karo, aabihiis naarta ayuu ku jiraa  iwm.” 

Waxaana aad u kala fog kuwa Nabiga ammaanaya iyo kuwa aflagaadaynaya, sida uu yiri Saxaabigii waynaa ”Xasaan bin Thaabit”, sidaas darteed, ha laga digtoonaado dadka ku sifoobeen akhlaaq xumadaas.  

Ilaah ayaan ka baryeynaa in uu Sanadka dambana Nabiga scw. xuskiisa Nabad, Caafimaad, Bash-Bash iyo Barwaaqo nagu gaarsiiyo. Aamiin.

Waa Billaahi Towfiiq

Waxaa Diyaariyey

Idaaradda A.S.W. ee Göteborg & Stockholm.